Our Planet, our responsibility -webinar in Somali

Waa maxay cimilo-doorsoonku, muxuuse noqon karaa doorka an ka qaadan karno ka hor taggiisa?

Cimilo-doorsoonku waa maxay? Saamayn noocee ah buu aniga igu leeyahay? Waa maxay sababta ka hadalka cimilo-doorsoonka wakhtigan la jooga ay u muhiimka u tahay? Diinteena ma laga helayaa sababaha cimilo-doorsoonka iyo xalka cimilo-doorsoonka? Zoom at 15-16.30! - https://us06web.zoom.us/j/81282777867

10.12. at 15-16.30

Zoom

Cimilo-doorsoonku waa mid ka mida arrimaha waa wayn ee wakhtigan lagu jiro aduunka saamaynta wayn ku leh, isla markaana lagu dadaalayo xakamayntiisa. Shirar waa wayn oo Qaramada Midoobay ay hogaaminayso ayaa la qabanayey 30-kii sano ee u dambeeyey. Shirarkaasi waxaa kasoo baxay heshiisyo, isafgaradyo iyo qorshayaal lagula tacaalayo cimilo-doorsoonka. Cimilo-doorsoonku waa mid la socda horumarka aay dadku ku talaabsanayaan sanadba sanadka ka danbeeya. Salkiisu waxa weeyaan si xun u isticmaalida khayraadka dabiiciga ah iyo gubitaanka shidaalka oo uu ka dhashay kaarboon badan. Kaarboonkaas marka uu hawada galo wuxuu samaynayaa buste ku dahaadhan atmosfeerka. Halkaasi waxaa ka dhalanaya in falaadhihii cadceeda ee dib u noqonayey uu bustahaasi koorboonka ah dib ugu soo celiyo dhulka. Taasina waa mida keentay waxa loo yaqaan kululaanshaha aduunka. Kulaylkaasina wuxuu keenay inuu milmo barafkii yaalay cidhifyada aduunka. Sidoo kale waxaa kor u kacay heerka uumi baxa oo isna keenay roobab mahiigaana oo burbur badan gaysta. Dhinaca kale, dabar-goynta noolayaashii kala duwanaa ee aduunka ku noolaa ee dheeli tirnaanta aduunka ka qayb qaadanayey ayaa ka mid ah sababaha cimilo-doorsoonka. sida dhirta iwm. Dhibaatooyinkaasi badan ee dad-sameega ah waxaa ka dhashay dhibaatooyin deegaan, mid dhaqaale iyo mid bulsho. Sidaan ognahay deegaanku waa meesha hoyga inoo ah, dhibaato kasta oo soo gaadhaana inaga ka dad ahaan waa mid ina huran oo ina soo gaadhaysa. Cimilo-doorsoonkii wuxuu deegaankii ka dhigay mid nugul oo si joogta ay dhibaato u soo gaadho sida daadad fatahaado wata, abaaro soo noqnoqda iyo kulayl xad-dhaaf ah. Arimahaasi waxay keeneen dhaqaale burbur baahsan oo waxyeelo ku noqday bulshada. Waxyeeladaasi dhaqaalana waxaa ka dhashay dhibaato bulsho oo baahansan sida qixid iyo qaxootinimo iwm. Arimahaasi aan kor ku soo sheegnay ma yihiin kuwo wax laga qaban karo? Inagu door intee leeg baan ka qaadan karaa? Nasiib wanaag waa kuwo wax laga qaban karo oo kaliya u baahan dadaalkaaga, dadaalkayga, dadaalkeeda iyo dadaalkiisa oo la isku daray. Maadaama ay sidaasi tahay, halkeen ka bilaabi karaa? Moniheli waxay inoo qaban-qaabinaysaa aqoon-iswaydaarsi ku sahabsan cimilo-doorsoonka iyo doorka uu ka qaadan karo qofkasta. Seminaarkaasi waa mid ka dhacaya internetka, kaasi oo u furan qofkasta. Su’aalaha aqoon-iswaydaarsigaasi lagu gorfaynayo waxaa ka mida: Cimilo-doorsoonku waa maxay? Saamayn noocee ah buu aniga igu leeyahay? Waa maxay sababta ka hadalka cimilo-doorsoonka wakhtigan la jooga ay u muhiimka u tahay? Diinteena ma laga helayaa sababaha cimilo-doorsoonka iyo xalka cimilo-doorsoonka? Abdirahman Rayale waa aqoonyahan bartay maareynta khayraadka dabiiciga ah iyo horumarka waara. Taariikhda: 10.12.2021 Saacada: 15-16:30 Goobta: Zoomka

If you have any questions for our speaker in advance, please write them here. You can also ask directly on the day. Your questions will be answered at the event.

The Zoom-link will be sent to your email after you register.

Log in

Log in

Looking for the Member Pages? Find them at this link.